Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK
HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|
Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha
:: Home
PC Topics
:: Components
:: Windows XP
:: PC Help
Programming Tutorials
:: HTML Ka
:: JavaScript Ga
:: ASP
:: PHP
:: VBScript
:: SQL
Miscellaneous
:: Contact us
Dismaha Forms ka
Waxaad samayn kartaa forms adoo isticmaalaya luuqada html ka.  Form waa diiwaanka wax lugu qoro markaas lugudiro akhbaarta.  Luuqada html ka waad ku saymaynkartaa diiwaankaas laakiin ma laha awood ay ku gudbiso akhbaaraha.  Hadaba waxaad u baahantahay software aad kaga shaqaysiisid akhbaarta, sidii hadaad rabtid inaad didhid ama aad ogaatid in akhbaartasi sax tahay ama aad bog kale u isticmaashid ama wixii lamid ah. Hadaba dirida aan kareebee mararka qaarkood waxaad ku diri kartaa e-mail akhbaarta inkastoo mararka qaarkood uusan browsarku taageerin isticmaalkan laakiin wixii intaas kabaxsan waxaad ubaahan tahay inaad isticmaashid luuqado kale. Qisdigeena waa samaynta diiwaanka marka aan bilowno:.
Waxaa form ka lagu bilaabaa astaanta
oo qeexaysa samaynta form ka.  Waxaa lagu xejiyaa magaca formka saan oo kale, name="magaca", waxaa lagu xejiyaa action="" oo ah wuxuu sameynayo waxayna noqonkartaa jidmar [url] kale ama emailkaaga hadii aad rabtid inay akhbaartu kuugu timaado e-mailka, waxaa lagu xejiyaa method="post" ama method="get" oo ah isticmaalka diiwaanka inta badana waxaa la isticmaalaa "post".  Intaas waxaa laraacshaa qaybaha diiwaanka [form elements] oo mid walbaba ku bilowda input. Qaybaha form ku leeyahay waxaa kamid ah: textbox, password field, checkbox, select element, textarea, radio button, summit button, reset button, iyo etc.   Midwalba select iyo textarea aan ka ahayn wuxuu isticmaalaa astaamaha input type= type ka ayaana lagu qeexaa waxay qaybtani [element] tahay.
Hadaba aan aragno mid walba sida loo sameeyo:
Bilowga form ka
Waxaan qeexnay form akhbaarta kudirin email.
waxaan qeexnay form addeegsnaya script kale.
Text field:
Waxaan qeexnay text field ladhaho magac erayga value="" wuxuu qexaa waxii kasoo bixilahaa field dhiga size na waa balaca field dhiga.  Natiijaduna waa saan:
Hadaad rabtid in wax kuqornaadaan markii boga lasoo booqdo waxaa loosameeyaa saan:
Natiijaduna waxay noqon saan:
Password field
Hada ma aanaan qeexin value maxaa yeelay ma u baahnid inaad qeexdid value iyo size midna hadaadan idigu isticmaalayn markaas.  Text field iyo password field waa isu egyihiin laakiin password field wixii lagu qoro ma muuqdaan.  Natiijaduna waa saan:
Wax ku qor si aad u aratid kala duwanaan shaha.
Chech Box
Echo
Corolla
Camry
Previa
Avalon
Waxaan qeexnay shan [check boxes] oo isku magac ah.   Tii la gujiyo waxaa soo baxaya value geeda, erayga astaanta kadhex baxsana waa kan browserka ka muuqda.   Astaanta
waxay kala goysaa laymanka oo kayeeshaa kuwo isdulsaarsaaran.  Natiijaduna waa saan:
Echo
Corolla
Camry
Previa
Avalon
Hadaad rabtid in mid saxnaado markii boga lasoo booqdo qor erayga checked intaadan astaanta xirin saan oo kale
Echo
Natiijadun waxay noqon saan:
Echo
Corolla
Camry
Waxaan saxnay box ka labo [carolla] iyo sadex [camry].
Radio Butoon
Radio button ka iyo check box ka waxay kukala duwan yihiin, radio button ka hal mid ayaad sixi kartaa haday isku magac yihiin meesha aad check box ka sixi kartid kuli ama intaad doontid
Corolla
Camry
Previa
Avalon
Ogow inuu kan ugu horeeyaa saxan yahay.
Natiijaduna waa saan:
Echo
Corolla
Camry
Previa
Avalon
Select Element
Select element waxay kusiisaa dhowr eray oo midkaad rabtid aad xulan kartid saan baan loo sameeyaa:
<select name="xulo">
<option> Echo
<option> Corolla br> <option> Camry
<option> Avalon
<option> Previa
</select>
Natiijaduna waa saan:
Errayga ugu horeeya ayaa soo baxaya oo jooge ah [default] intaadan wax xulan kahor.   Hadaad rabtid inaad box maran jooge kadhigtid option ka ugu horeeya waxba ha kuqorin saan oo kale:
<select name="xulo">
<option><option> Echo
<option> Corolla br> <option> Camry
<option> Avalon
<option> Previa
</select>
Natiijaduna waa saan:
Submit Button
Submit button waa button la gujiyo markii aad diraysid diiwaanka saan baana loo sameeyaa:
Natiijada tusaalahan saan bay noqon
Reset Button
Reset button waa button la gujiyo markii aad tirtiraysid diiwaanka oo aad rabtid wixii aad ku qodhay inay tirtirmaan saan baana loo sameeyaa:
Natiijada tusaalahan saan bay noqon
Submit iyo Reset buttons waa isu egyihiin markeyan waxba samaynayn laakiin gadaal ayaan ka arki doonaa iyagoo wax sameynaya iyo siday ukala duwan yihiin insha allah.
TextArea
TextArea waa text field oo kale laakiin kabalaaran kana dheer.  Waxaa loo isticmaalaa markii aad rabtid inaad qoraal dheer qortid, samayntiisuna waa saan:
<textarea name="rayi" cols="40" rows="4"> </textarea>
Cols waxay qeexdaa balaca meesha rows ay qeexdo dhererka.  Natiijaduna waa saan:
Textarea da saan baa qoraalka joogaha ah loogu qoraa:
<textarea name="rayi" cols="40" rows="4">Waxaad halkan ku qori kartaa wixii fariin iyo faah faahin ah saaxiiib </textarea>
Natiijaduna waa saan:
Waxaan si nafar nafar ah u soo aragnay sida loosameeyo diiwaanka marka hada aan aragno tusaale dhamaystiran oo iswata oo ah diiwaan waana kane diyaar u noqo.
Magaca:
Furaha:
Title:
Murwo
Mudane
Noocyada qiimaha kula leh:
Echo
Corolla
Camry
Avalon
Previa
Kaad iibsan
Echo
Corolla
Camry
Avalon
Previa
Wadan kaad joogtid
<select name="wadan">
<option>
<option value="us">U.S.A
<option value="can">Canada
<option value="uk">UK
<option value="So"&Somalia
</select>
Markii laga soo tago qaybta magaca, action ka iyo method ka oo aan micno kufadhiyin hada maadaaba aanaan isticmaaleyn script aan kaga shaqaysiino formka.  Waxaan qeexnay labo text fields oo qaata labo qoraal user name iyo password.  Waxaan kale oo qeexnay radio buttons.  Waa inay radio buttons ku isku magac ahaadaan si uu qofku hal mid u doorto.   Hadaad kala magac ka dhigtid, kuli wuu doorankaraa qofku.   Waxaan kale oo qeexnay check boxes.  Check boxes ku kala magac waa ahaan karaan waayo inuu qofku halmid doorto ma aha.  Waxaan kale oo sameynay combo box iyo labo button oo midna tirtiro qoraalka formka midna diro form ka.  Formkani ma dirmi karo waayo Action="" ma aanaan qeexin.  Waxaad samaynkartaa inaad email ku dirtid qoraalka diiwaanka adoo istimaaliya syntax kan: action="mailto:name@host.com".
Here is the result of the above sameple:
Magaca:
Furaha:
Title:
Murwo
Mudane
Noocyada qiimaha kula leh:
Echo
Corolla
Camry
Avalon
Previa
Kaad iibsan
Echo
Corolla
Camry
Avalon
Previa
Wadan kaad joogtid
Ku qor qoraal labada text box, xulo title adoo tijaabinaya inaad hal kabadan xulan kartid.  Waxaad tijaabisaa inaad hal radio button kabadan xulankartid iyo inay hogaga form ku shaqynayaan dhamaantooda.  Waxaad kale oo tijaabisaa buttomada Tirtir iyo Dir inay shaqeynayaan.  Hadaad gujisid button ka dir, wuxuu aadin bog aan qeexnayn waayo "submit" waa curiye [event]kaas oo mar walba curinaya dhacdo oo hadaan laqeexin Action="" curinaya bog aan laqeexin.
Liiska Formats
PC System Tools
SpyCleaner
Registry Mechanic
4Diskclean Pro
Health PC Club
TweakNow
Registry Washer
SpyAnyWhere
System Lifeguard
...More/Details
PC Articles
Computer Safety
prevent viruses & Spyware