Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

Waa maxay HTML ku see se u shaqaysaa?

HTML oo u taagan (Hyper Text Markup Language) waa luuqad leh qoraal akhrin wanaagsan iyo xiriir bogaga kala dowan oo loo istic maalo ama lagu sameeyo bogaga internetka. Luuqadaas oo kamid ah luuqad balaaran oo loo yaqaano SGML waxaa lagu qori karaa luuqad qoraalo badan (software) oo far qor ah (text editors).  Waxaa mahiim ah inaad u sheeqtid luuqad qoraal kaas inaad qoray sid waax html ah, taas oo ah addoo ku qora <html> bilowga boga kuna dhameeya </html> dhamaad ka.  Tilmaanta ama astaanta  <> waxay bilow daa xirtaana tilmaamaha html ka ah oo dhan.  Kuwaas oo aad u tira badan.  Tusaala ahaan, hadii aad rabtid inaad qoraal muujisid oo madoobeysid waxaad istic maalin <b> .  Astaantaasi waxay u taagan tahay bold maadaaba luuqadani ku qoran tahay ingiriis.  Qoraalkaasi wuxuu ahaan madow ilaa aad kaxidhid sidatan </b>.

Far qoraalada aad u isticmaali kartid luuqadaan waxaa ka mid ah FrontPage, NotePad, TextPad, etc.  Waxaa mahiim ah inaad raacisid .html ama .htm magaca boga hadii aad isticmaaleysid NotePad, TextPad ama wixii lamid ah.  Tusaale ahaan, waxaad u keydin ama save garayn boga sidatan: "qoraal.html".  Qoraal waa magaca boga .html na waxay fasirin inuu qoraalku yahay HTML.

Hadaan u noqono micnaha astaamaha html ka.  Hoos waxaa kuqoran astaamaha inta badan la isticmaalo iyo waxay qeexaan.

Hadaan u noqono micnaha astaamaha html ka.  Hoos waxaa ku qoran astaamaha inta badan la isticmaalo iyo waxay qeexaan.
AstaantaMicnaha
<html>
Waxay qeexdaa oo bilowdaa qoraalka htmlka.
<head>
Waxay qeexdaa qaybta hore ee qoraalka iyo magaca boga.  Wixii lagu qeexo qeybtan mamuuqdaan 
<title>
Waxay keydisaa ciwaanka boga
<body>
Waxay qeexdaa saldhiga qoraalka oo lagu qoro qoraal kasta
<bgcolor> Waxay qeexdaa midabka boga.  Eeg...<bgcolor="red">
<h1> Waxay qodhaa far ciwaan ah.  Waxay leedahay h1 ilaa h6
<p>
Waxay bilowdaa sadar cusub labo sadar kabacdi
<br> Waxay bilowdaa sadar cusub oo kuxiran kan lasoo dhaafay.
<b>
Qoraalka ayay far waaweyn saadhaa oo muujisaa.
<i>
Qoraalka ayay dhuubduubtaa.
<u>
nQoraalka ayay hoos ka xariiqdaa
<font> Waxay qeexdaa lixaadka qoraalka balac iyo muuqaalba

Waxaan aragney astaamo kamid ah astaamaha html ka.  Marka aan galino xirmo (code) astaamahaan.  Tusaalaha hoos kuqoran waa tusaale dhameystiran oo ah bog internet ah ee isku day inaad fahantid qayb walba waxay qabato iyo sidii aad u isticmaali lahayd.
Tusaale Micnaha tusaalaha

<HTML>
<HEAD>
<TITLE>Boga html ka</TITLE>
</HEAD>
<BODY BGcolor="#ffffff">
<H2> Qoraal ka</H2>
<p>Sadar cusub aan ku bilowno oo <b>qoraal madow.</b>
<i>ama qoraal dhuudhuuban</i> <u> ama hoos dhaban.</u></p>  <p>Hadaan doono waan badeli karnaa <font color="#ff0000"> midabka qoraalka </font> amase <font size="14"> balaca </font> ama <font color="#00ff00" size="14"> labadaba</font></p>.  Intaas waxaa ku eg qoraalkii.
</BODY>
</HTML>

Waxaan bilownay qoraal html ah <html> oo ku dhamaystirnay </html>.  Astaan kasta oo leh </> waxay dhameystirtaa astaanta la mid ka ah ee kasaraysa.  Astaamahaan iyo bog raaca .html waxay u sheegaan browser ka in uu qoraalku yahay html.
Astaamaha <head> iyo </head> waxay qeexaan qaybta hore aan ka muuqan boga sida magaca boga.  Kaas oo ka muuqda sabarada sare [title bar] ee boga.
Astaamaha <title> iyo </title> waxay qeexaan magaca boga kaas oo ah "Boga html ka".
Astaamaha <body> iyo </body> waxay qeexaan qaybta qoraalka ee muuqda markii boga lafuro halkaas ood ku qori kartid wax kasta oo qoraalk ah iyo sawiro iyo wax kasta oo internetka ka muuqan kara.  Astaamaha ku dhex qoran <body> iyo </body> waxay qaabeeyaan qoraalada sida midabka, balaca, iyo muuqaalka.  Kor waan ku soo aragnay micnohooda adiguna waad micnaysan kartaa markii aad aragtid wax soosaar kooda [result].  Si aad u aragtid natiijada tusaalahan, guji halkan.
Kashaqey siinta
Qor ama qish [copy, paste] tusaalahaan adoo isticmaalaya NotePad.  Save garee adoo aadaya {file -->save as].  Ubixi magaca "boga.html".  Markaas kabacdi fur browser ka internetka.  Kufur bagan browserka adoo aadaya [file -->open-->browse].  Guji boga boga.html si aad u aragtid qoraalka boga ama natiijada tusaaleheena..
Isku xirka [Links]

PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware