|
Sawirada
Qaabka loogaliyo sawirada internetka ma dhib badna.
Waxaa jira labo nooc oo sawira ah, kuwaas oo ah GIF iyo JPG. Hadii aad rabtid
sawiro noockale ah inaad isticmaashid waxaad u baahantahay inaad u keydisid ama
u badashid GIF
ama JPG adoo isticmaalay programada graphics ka. Hadaba saan baad usoo saari
kartaa sawir: <IMG SRC="SAWIR.GIF">.
Aan eegno waxa laga wado tusaalaha aan soo dhaafnay. IMG - wuxuu usheegaa
browsarka in uu sawir soo saaro. SRC - wuxuu qeexaa meesha sawirku kujiro ama jideeyaha sawirka.
Waxaa mihiim ah inaad jidmar sax ah qeexdid. "SAWIR.GIF" - sawirka
magaciisa oo qoleysan. Tusaalahan aan soo dhaafnay wuxuu soo saarin sawir
ladhaho "sawir.gif" oo meelkula jira boga aad joogtid. Marka hadii uu
sawirku kujiro folder kale ama meelkale waxaad u baahantahay inaad folder ka ama
jidka kudadhid SRC ka
saan oo kale; <img src="my document/sawirada/sawir2.gif"> Tusaalahani
wuxuu soosaarin sawir ladhaho "sawir2.gif" oo kujira folderka
"my document/sawir".
Natiijada tusaalaha aan soo aragney wuxuu noqon karaa saan:

Xarakeynta sawirada
Waxaad badali kartaa balaca iyo dhererka sawirka adoo isticmaalya
astaamaha WIDTH=nn oo qeexda balaca iyo HEIGHT=nn oo qeexda dererka. Hadaba hadaan
rabno sawirkii aan horay usoo aragnay inaan dhererka kadhigno 200 balacana 100
saan ayaan yeelin; <img src="sawir.gif"
width="200" height="100"> Natiijaduna waa saan:
Waxaan weynayney dhererka iyo balaca sawirkii aan soo aragnay. Waxaad kale
oo u yeeli kartaa sawirka weero [border]. Weeradaas oo balac
weyn ama balac yar leh sidii aad jeceshahay. Eag: <img
src="sawir.gif" border="5"> waxay soo saarin sawir
weero balaceedu yahay 5 leh. Natiijaduna saan ayey noqon:
Markaad rabtid inaad sawirka kasoo saartid bidixda, midigta, korka, ama hoosta
qoraalka waxaad isticmaali kartaa astaanta ALIGN = nn. Tusaalayaasha soo
socda waxay taataaban isticmaalka ALIGN:
| Tusaale | Natiijo |
<IMG
SRC="sawir.gif"> ALIGN="left">
Waxaa
suurta gal ah inaad qoraalka ku meerisid sawirka bidixdiisa, midigtiisa,
korkiisa, ama hoostiisa. qoraalkani wuxuu kumeersamin sawirkan
bidixdiisa. | 
Waxaa
suurta gal ah inaad qoraalka ku meerisid sawirka bidixdiisa, midigtiisa,
korkiisa, ama hoostiisa. qoraalkani wuxuu kumeersamin sawirkan
bidixdiisa. |
<IMG
SRC="sawir.gif"> ALIGN="right">
Waxaa
suurta gal ah inaad qoraalka ku meerisid sawirka bidixdiisa, midigtiisa,
korkiisa, ama hoostiisa. qoraalkani wuxuu kumeersamin sawirkan
midigtiisa. | 
Waxaa
suurta gal ah inaad qoraalka ku meerisid sawirka bidixdiisa, midigtiisa,
korkiisa, ama hoostiisa. qoraalkani wuxuu kumeersamin sawirkan
midigtiisa. | Sidoo kale ayaad u isticmaali kartaa align="top"
oo kor kadhigin sawirka, align="bottom"
oo hoos kadhigin sawirka, align="center" oo
dhexda kadhigin sawirka.Waxaad soosaari kartaa qoraal markii mouseka lagu qabto
ama siwirku soobixiwaayo sawirka
adoo isticmaalaya astaanta ALT oo u taagan [alternative] ama
badalka isticmaalkeeduna waa saan: <img src="sawir.gif" alt="Tusaalaha
qoraalka sawirka"> natiigaduna waxay noqon saan oo kale;
Kuqabo mouseka
sawirkan si aad u aragtid natiijada. Hadii aad badashid jidmarka sawirka
waxaa soobixi doona qoraalka kaliya.
Waxaad u dhexaysiin kartaa dhulbanaan sawirka iyo weeradiisa adoo isticmaalaya
astaamaha HSPACE iyo VSPACE oo laga wado [horizontal space] iyo
[vertical space] ama balac banaan iyo derer banaan. Eeg
tusaalahan:
<img src="sawir.gif" Hspace="30"
Vspace="10"> natiigaduna waa saan: Waxaan
u dhexay siinay 30 banaan dherer ahaan iyo 10 banaan kor iyo hoos ahaan.
Waxaad ka garan kartaa intay qoraalka iyo sawirku isu jiraan.
Kuxirka sawir bogkale
Waxaad kadhigi kartaa sawirka mid markii lagujiyo kugu xira
bogkale oo internet ah. Waxaad kaliya oo u baahantahay inaad isku xirka
sameysid markaas soo saartid sawirka intaadan reebin astaanta isku xirka ee </a> saan oo
kale: <a href="http://www.thelogocreator.com"><img
src="sawir.gif"></a> Natiijaduna waxay noqon saan:

|