Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

Dismaha Tables ka

Table waa erray english ah oo laga wado miis laakiin markaan micnayno wax qabad kiisa wuxuu noqan karaa dhisme ama hab naqshadayn qoraal ah. Erayga ugu dhow aan ku micnayn karno waa xeer waayo waa qaab qoraalka lagu xeera xeereeyo oo lagu kala qola qoleeyo si uu xuduud u kala yeesho. Xero walba waxaa ku jiri kara qoraal, sawir, jid, iyo wixii lamid ah. Table walba wuxuu isticmaalaa xubnaha soo socda.
Astaan Micnaha
<table border=n > Waxay qeexdaa oo bilowdaa isticmaalka table. Border =n waa cabirka weedha. Eeg border = 3 waxay kadhigin cabirka weerada 3.
<tr> [table row] Waxay qeexdaa oo samaysaa xubin madax banaan oo table ka kamid ah xubin kastana tan kale waa ka hoosaysaa.
<td> [table data] Waxay qeexdaa oo samaysaa qaybta qoraalka ee xubinta tr xubin kasta oo td ah na tankale bay dhinacmartaa.
Waxaa mihiim ah inaad xirtid astaan kasta aad isticmaashid mid walbana tay kadanbeysay waa ka hor kirmataa.
Waxaan aragnay qaybaha sameeya table ka, marka aan eegno tusaale dhab ah.
TusaaleNatiijoMicnaha
<table border = 2 >
 <tr>
  <td>Samayska </td>
 </tr>
</table>
Samayska
Waxaan samaynay table hall cell ama qol leh qolkaas oo lagu xirmeeyey erayga Samayska.
Hadaan sii badino qolalka inagoo wali hal sadar ku jira saan bay noqon:
TusaaleNatiijoMicnaha
<table border = 2 >
 <tr>
  <td>Samayska </td>
   <td> Nakhshada</td>
</tr>
</table>
Samayska Nakhshada
Waxaan samaynay table ama xero labo qol leh kuwaas aan labada eray "Samayska" iyo "Nakhshada" aan kukala xirnay.
Hadaan sii badino qolalka table ka inagoo isticmaalayna labo sadar oo mid walba madax banaan yahay waxey noqon saan:
TusaaleNatiijoMicnaha
<table border = 2 >
 <tr>
  <td>Samayska </td>
   <td> Nakhshada</td>
</tr>
 <tr>
   <td>BMW</td>
  <td> Coupe</td>
 </tr>
</table>
Samayska Nakhshada
BMW Coupe
Waxaan samaynay table ama xero afar qol leh kuwaas aan afarta eray oo muuqata ku xiran.
Hadaan sii raacdayno table ku wuxuu kaloo leeyahay astaamo qoraalka habeeya sida <th> oo laga wado [table header] ama ciwaanka table ka.   Wuxuu kaloo leeyahay xubno table ka laf ahaantiisa qaabeeya sida bgcolor ="" oo qeexa kalarka table ka, cellspacing="" oo qeexa dhulka banaan ee udhexeeya qolalka ama cells ka, cellpadding="" oo qeexa dhulka banaan oo dexeeya qoraalka iyo geesaska qolka ama cell ka.  Hadaba tusaalaha soo socda wuxuu taataban isticmaalka astaamahan:
TusaaleNatiijoMicnaha
<table border="1" cellspacing="0" cellpadding="0" bgcolor="#cc00cc">
 <tr>
  <th>Saymays </th>
   <th>Nakhshad </th>
 </tr>
 <tr>
  <td>BMW </td>
  <td>Coupe</td>
 </tr>
</table>
Saymays Nakhshad
BMW Coupe
Waxaan samaynay table kalar leh dhulbanaan oo dhexana aan lahayn. Waad garan kartaa table kan iyo kuwii lasoo dhaafay farqiga u dhexeeya markaad usii eegtid.
Waxaad isku furi kartaa qolal [cells] badan adoo isticmaalaya astaamaha colspan="" iyo rowspan="". Colspan wuxuu isugu furaa cells ka dhinac dhinac Rowspan wuxuu isugu furaa gees gees.
Hadaba daalaco tusaalaha soo socda oo ah isticmaalka rowspan iyo colspan.
Tusaale (colspan)NatiijoMicnaha
<table border="1">
<tr>
 <th>Samays</th>
 <th colspan="2">Nakhshad </tr>
<tr>
 <td>BMW</td>
 <td>Coupe</td>
 <td>Exotic</td>
</tr>
</table>
Samays Nakhshad
BMW Coupe Exotic
Waxaan furay cell ciwaan ah in labo cell le eg si uu labo cell ciwaan ugu noqdo. Ogow colspan balac balac buu wax ufuraaye.
Tusaale (rowspan)NatiijoMicnaha
<table border="1">
<tr>
 <th> Samays</th>
 <td>BMW</td>
</tr>
<tr>
 <th rowspan="2">Nakhshad</th>
 <td>Coupe</td>
</tr>
<tr>
 <td> Exotic</td>
</tr>
</table>
Samays BMW
Nakhshad Coupe
Exotic
Waxaan furay cell ciwaan ah in labo cell le eg si uu labo cell ciwaan ugu noqdo. Ogow rowspan balac balac buu wax ufuraaye.
Table unug yadiisa waxaa kale oo kamid ah caption oo soo saara qoraalka sare ee table ka. Waxaad kale oo awood u leeday inaad cell walba midab gaar ah kadhigtid ama cabir gaar ah.
Hadaba tusaalaha soo socda wuxuu natusin isticmaalka caption iyo sida table ka kalaro kala duwan loogu sameeyo:
TusaaleMicnaha
   <html>
<table border="1">
<Caption>Qoraalka table ka</caption>
 <tr>
   <th bgcolor="#cc00cc"> Gaariga</th>
  <th bgcolor="#00cc00"> Sanadka</th>
  <th bgcolor="#cccc00"> Qiimaha</th>
 </tr><tr>
  <td>Old Alero</td>
  <td>1999</td>
  <td>$14,000</td>
 </tr><tr>
  <td>Chev Blazer LT</td>
  <td>2001</td>
  <td>$23,000</td>
 </tr><tr>
  <td>Chev Silverado SL</td>
  <td>2002</td>
  <td>$25,000</td>
 </tr><tr>
  <td bgcolor="#ccff00" colspan="2"><center><b>
Qiimaha dhan</b></center></td>
  <td>$62,000</td>
 </tr>
</table>
</html>
Waxaan qeexnay 'caption' soo saaraya ilqabadka table ka. Waxaan kale oo badalay kalarka qolalka ama cells ka. Waxaad ka badali kartaa kalarka qaybaha table ka <td> gudaheeda sida table kan oo kale. Inta kale xirmadatan waan soo ragnay. Natiijada tusaalahani hoos bay kuxusan tahay.
Qoraalka table ka
Gaariga Sanadka Qiimaha
Old Alero 1999 $14,000
Chev Blazer LT 2001 $23,000
Chev Silverado SL 2002 $25,000
Qiimaha dhan
$62,000

Sawirada Liiska [lists]
PC System Tools
SpyCleaner
Registry Mechanic
4Diskclean Pro
Health PC Club
TweakNow
Registry Washer
SpyAnyWhere
System Lifeguard
...More/Details

PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware