Case statement waxay lamid tahay if statement oo waxay tijaabisaa arinta suurto galka ah. Waxaa fiican in la isticmaalaa case statement markii hal arin ay leedahay dhowr joos micnuhuna waa iyadoo halka arin leedahay dhowr qeyb [values]. Tusaale ahaan, getDate waa tixraace [method] soo celiya maalin, maalintaas oo noqonkarta maalin ka mid ah 7 maalmood ee maalmaha asbuuca, hadaba taas waxay keentay inay maalintu todobada maalmood miday doonto noqon karto. Si lagu ogaado tay tahay waxaad isticmaali kartaa case statement si aad u go aan satid una soo saartid qoraal maalinta laxiriira sida "maanta waa jimce" oo kale.
Dhismaha [syntax] case statement tiga waasaan:
switch(arin) { case value:
qoraal laxiriira arintan }
value waa arin kamid ah kuwa badan aad haysatid.
Hadii arimuhu wax saxa lahayn, waxay soo celisaa wixii qeybta ismabadashada [default] lagu
qeexay
Tusaalahan ayaa katix raaci kartaa isticmaalka case statement:
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
<!--
var maalin = new Date()
maanta=maalin.getDay()
switch (maanta)
{ case 1: alert("Maanta waa isniin")
break case 2: alert("Maanta waa talaada")
break case 3: alert("Maanta waa arbaca")
break case 4: alert("Maanta waa khamiis")
break case 5: alert("Maanta waa jimce")
break case 6: alert("Maanta waa sabti")
break case 0: alert("Maanta waa axad")
break } //-->
</script> </body> </html>
tusaalahan waxaan qeexnay variable maanta aana kadhignay
date object.
getDay waa method horay looqoray oo kombuyuutarku yaqaan, method
kaas oo isna yaqaan maalmaha asbuuca tira ahaan 0 ilaa 6 ay 0 tahay axad 6 na
tahay sabti.
switch waa sida if oo kale oo waxay tijaabisaa arinta [condition] . [case value] na waxay soosaartaa markii arintu run tahay.
break waxay ka hortag taa inay sii socoto tijaabadu markii arintu run tahay ama wax latijaabiyaa eyan harin.
Arintaan oo kale ma u baahnin [default], waayo maalinkasta waa maalin oo marwalba arintu runbay noqon.