Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

objektiga JavaScript

Objektiga [objects] waa wax kasta oo la humaagsan karo ama muuqan kara.  Wax kasta oo gaar isu taagi kara waa objekti sida xawayaan, dhir iyo alaabba laakiin objektiga JavaScript waxaa laga wadaa wax kasta oo iskiriinka kamuuqan kara sida, daaqad, boton, diiwaan, iyo wixii lamid ah. Objektigu waxay lahaan kartaa ama yeelankartaa mulki [property] sida qofku u lahaan karo maro ama gaarigu u lahaan karo shaag.  Mulkigaas ama property tigaas wuxuu awood u lahaan karaa inuu wax sameeyo, kaas oo looyaqaan tixraace [method].  Hadaan soo gaabino waasaan, obkecti wuxuu leeyahay mulki wax u qabta. Hadaba mulkigu ama property tigu wuxuu ahaan karaa objekti kale sida qofku u lahaan karo gaari, gaarigaas oo ah objekti kale ama gaarigu ulaan karo tayar, tayirkaas oo objekti kale ah haduu kali yahay.  Objekti kasta waa inay leedahay si ay wax uqabato.  Wax qabadkaas oo looyaqaan tixraace.  Tixraace waa waxqabad ama sida objektigaasi wax uqabato sida wad, riix, badal, jooji iyo wixii lamid ah.

Waxaan umelayn inaan tilmaan kabixiyey objekti [object], mulki [property], iyo tixraace [method].  Marka hada waa inaan tilmaan kabixiyaa sida ay arintani uquseyso JavaScript. 
Eeg qoraalkaan ama statement tigaan hoose.  Tilmaan kee objekti ah?, kee mulki ah?, keese tixraace ah?.
window.document.write()
Window  waa objekti, document waa mulki,  write na waa tixraace. Tani waxay lamid tahay adoo yiri gaari.tayar.wad. Haday ahaan laheyd document.write() kali ah, waxay lamid tahay tayar.wad laakiin gaari la aantiis mashaqeyn karto.

Waa dhici kartaa inaad qeexdid objekti.mulki aan lahayn tixraace saan oo kale document.formName.textBoxName.value. Document waa objekti u taagan boga, form waa objekti kale oo u taagan diiwaan oo ah mulki bogu leeyahay, textBox na waa objekti kale uu diiwaanku leeyahey. Hada waxaan u gudbeynaa qeybo JavaScript objekti ah oo kala duwan.

Objektiga String

String waa objekti gaar isu taaga oo qaata qoraal.  Tusaale ahaan, var cars = new car("Fox Wagon") waxay qeexdaa objekti String ah oo wadata qoraalka "Fox Wagon".  Ogow  car="Fox Wagon" ma aha objekti ee waa string variable ama qabato qoraal wadata bes.   JavaScript tigu waxay ubadashaa string variable ka string objekti si kumeelgaar ah, taas oo fududeysa inaad isticmaashid tixraacayaasha ay leedahay string objektigu laakiin eval oo ah tixraace miisaama string variable ka looma isticmaali karo string objektiga maxaa yeelay objektigu ma isbadasho.    Length iyo Prototype waa labo mulki uu leeyahay string objektigu..  Length wuxuu tiryaa inta xaraf qoraalka string gigu yahay, tusaale ahaan
car.length
waa 9 xaraf..  Prototype waxay objektiga u sameysaa mulki [properties] kale.
Hada aan eegno tixraacayaasha string objektiga.  Hoos waxaa kutaxan tixraacayaal loo isticmaalo string objektiga.
Tixraace Wax qabadka tixraacaha Tusaalaha tixraacaha
Big(),Small(),Bold(), Italic(), Strike(), sub(), sup() Waxay kadhigtaa qoraalka mid balac weyn, yar, madow, dhuuban, dhex xariiqan, hoos u saan qaadan, ama kor u saan qaadan. var prog="Kani waa tusaale big() ah"
document.write(prog.big())
Natiijada:
IndexOf(), lastIndexOf() Waxay soo celisaa meesha xaraf loo gudbiyey yahay ama –1 hadeyan helin.   lastIndexOf() midigta aya kabilowdaa raadis ka. var prog="JavaScript ma adka"
var pos=prog.indexOf("k")
document.write("k waa xarafka: "+pos)
Natiijada:
k waa xarafka: 16
fixed() Waxay soosaar taa nooca farta ee looyaqaan Teletype. document.write("Kani waa far ah teletype".fixed())
fontcolor(), fontsize() Waxay kubadashaa midabka, balaca, ama qaabka farta kan laqeexay. var prog="Badashaa midabka farta"
document.write(prog.fontcolor('blue'))
Natiijada:
match() Waxay isbarbar dhigtaa labo qoraal oo soo celisaa qoraakaas haduu jiro hadii kalena waxba masoo celiso. var prog = "Ma aragtaa tusaalaha?"
document.write(prog.match("aragtaa"))
Natiijada:
aragtaa
toLowerCase(), toUpperCase() Waxay ubadashaa farta waaweyn ama yaryardocument.write("u badal qoraalkan far waaweyn".toUpperCase()) Natiijada: U BADAL QORAALKAN FAR WAAWEYN
charAt(), charCodeAt() Waxay soocilisaa xarafka kuqoran meesha nambarka loogudbiyey yahey. CharCodeAt() na waxay soo celisaa xarafka oo unicode ah. var prog="Maxaa kuubaxay?"
document.write(prog.charAt("7"))
Natiijada: k
blink() Waxay sameyasaa qoraal boodboodaya. var prog="Maxaa kuubaxay?"

Natiijada: Maxaa kuubaxay?
link() Waxay kadhigtaa qoraal xiriiriye [hyperlink] document.write("Bogan".link("http://www.clik.to/program"))
Natiijada:
replace() Waxay kubadashaa xaraf midka loogudbiyey. document.write("Waa labadalay".replace("Waa","Ma"))
Natiijada:
Ma labadalay
research() Waxay soo celisaa nambar u taagan meesha xarafka loogudbiyey kaga jiro erayga ama –1 haduusan helin. document.write("Raadi xaraf".search("i"))
returns:
4
substr() Waxay soo celisaa xarfaha kabilowda meesha laqeexay kana kooban inta laqeexay.  Tirada waxay kabilaabataa 0. var prog="Web Programmer/Developer" document.write(prog.substring(3,14))
Natiijada:
Programmer

Objektiga Date ka

Objectiga taariikhdu waxay leedahay tixraacayaal aad ubadan, kuwaas oo qeexa, badala, soosaara, ama sharaxa.   Objektiga Taariikhdu [Date Object] malaha wax mulki ah mana adka sida loo isticmaalo tixraacayaasha taariikhda.
Saan ayaa loodhisaa markii lasameynayo taariikh. magacaObjektigaTaariikhda = new Date() magacaObjektigaTaariikhda waxay noqon objekti cusub.  Waxay kale oo noqon kartaa mulki objekti kale oo horay loo sameeyay.
Hadaba tusaaha soo socda wuxuu qeexin sameyn objektiga taariikhda.
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var taariikhda= new Date()
document.write(taariikhda.getDate())
document.write("/")
document.write(taariikhda.getMonth()+1)
document.write("/")
document.write(taariikhda.getFullYear())
document.write("@")
document.write(taariikhda.getHours()+":")
document.write(taariikhda.getMinutes()+":"+taariikhda.getSeconds())
</script>
</body>
</html>
Variable ka taariikhda waxaa laga dhigay objekti taariikh ah.  Date() waa qeexaha objekti taariikhda, tixraacayaasheeda waxaa kamid ah   set(), get() iyo to (). Set() waxay khadigtaa ama badashaa nambarada ama erayada taariikhda meesha get() ka qabato oo kala wareegto nambarada iyo erayada objektigaas.  To() waxay badasha objektiga taariikhda oo u badahsaa object string ah.
Natiijada tusaalahan waasaan:
Tusaalahani wuxuu natusin isticmaalka set oo badala taariikhda.
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var taariikhda = new Date()
taariikhda.setMonth("9")
taariikhda.setDate("11")
document.write(taariikhda.getDate()+"/"+taariikhda.getMonth())
</script>
</body>
</html>
Tusaalahani wuxuu kadhigaa maalinta 11, bishana 9.  Taariikhdani sideeda ayay ahaan ilaa aad kabadashid adigu marlabaad.
Natiijaduna waa saan:
Tusaalahani wuxuu soosaaraa taariikh wadata magaca maalinta iyo magaca bisha.
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var taariikhda =new Date()
var asbuuk=new Array("Axad","Isniin","Talaada", "Arbako","Khamiis","Jimce","Sabti")
var magacaBisha=new Array("Janaayo","Febaraayo","Maarjo","Abril","Mey","Juun", "Julay","Agosto","Sebtember","Octobar","Nofembar","Disenbar")
document.write(asbuuk[dat.getDay()] + " ")
document.write(magacaBisha[dat.getMonth()] + " ")
document.write(taariikhda.getDate() + ", ")
document.write(taariikhda.getFullYear())
</script>
</body>
</html>
Waxaan sameynay labo Array oo ah objekti.  Mid waxay qaban magac yada bisha, midna waxay qaban magac yada maal maha.   Waxaan markaas usoo saari karnaa taariikhda si nambaro ah ama si magacyo iyo nambaro iswata ah.  Hadaba waan soo aragnay sida nambarada taariikhda loosoo saaro markan eeg sida loosoo saaro magacyada inagoo isticmaaleyna index ka Array ga.
Natiijada tusaalahan waa saan:

Hoos waxaa ku taxan tixraacayaal kale aad u isticmaali kartid taariikhda.

Tixraacaha objektiga taariikhda

Tixraace Wax qabadka
getYear() Sooceliyaa sanadka oo ah labo nambar.
getFullYear() Sooceliyaa sanadka oo ah afar nambar.
getMonth() Sooceliyaa bisha oo ah labo nambar
getDate() Sooceliyaa maalinta oo ah labo nambar
getDay() Sooceliyaa maalinta oo ah hal nambar (0-6).
getHours() Sooceliyaa saacada oo ah 24
getMinutes() Sooceliyaa minidada saacada
getSeconds() Sooceliyaa sakanada saacada
getTime() Sooceliyaa milisakanada saacada ilaa 1/1/1970.
getTimezoneOffset()   Sooceliyaa saacad lamiisaaman GMT
TixraaceWax qabadka
setYear() Qeexaa sanadka oo labo nambar ah
setFullYear() Qeexaa sanadka oo afar nambar ah FONT>
setMonth() Qeexaa bisha oo labo nambar ah FONT>
setDate() Qeexaa maalinta oo labo nambar ah
setDay() Qeexaa maalinta oo hal nambar ah (0-6)
setHours() Qeexaa saacada oo 24-saacadood ah
setMinutes() Qeexaa minidada saacada
setSeconds() Qeexaa sakanada saacada
setTime() Qeexaa milisakanda ilaa 1970.

Array Objekti

Waxaan aragnay array markaan sameynay tusaalaha taarikhda.  Array waa koox variable ah oo isla xiriira oo hal variable laga dhigay.  Tusaale ahaan:
maalmahaAsbuuca = new Array ("Axad", "Isniin","Talaada", "Arbaco", "Khamiis","Jimce", "Sabti") waa array qabaneysa magacyada maalmaha.
Markaad kalasoo baxaysid magac maalin array gaas waa inaad isticmaashaa xubnaaha Array ga ee loo yaqaan elements saan oo kale:
maalmahaAsbuuca[n]
n waa element tiga Array ga oo u taagan meesha maalintu kaga jirto Array ga, taas oo kabilaabata 0.  Tusaale ahaan: maalmahaAsbuuca[0] waxay soo celin Axad.  Arag variables & arrays oo ah cashar ka Arrayga.

Alert, Prompt, Confirm boxes Daaqada [Window]

PC System Tools
SpyCleaner
Registry Mechanic
4Diskclean Pro
Health PC Club
TweakNow
Registry Washer
SpyAnyWhere
System Lifeguard
...More/Details

PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware