Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

Function ama Xubin

Sida luuqadaha kale ayey JavaScript leedahay xubno code ah oo gaar u shaqeeya.  Hadaan qeexno function waa xubin ku dhexjirta program ka laakiin kaligeed gaar u shaqaysa waxay soo saartana uu program ku isticmaalo.  Sida qofka xubnihiisa midwalba shaqo gaar ah u qabato xubin kastana jirka ay ula shaqeyso oo kale weeye function ku markaad isticmaaleysidna waa inaad magaciisa wacdaa.  Function ku markuu shaqadiisa qabto ayuu natiijida soo celiyaa mihiimadiisuna waa inaadan code isku mid ah ku qorin boqol meelood oo kamid ah program kaaga ee hal function ayaad boqol meelood kawici kartaa. Intabadan functions ka waxaa lugu qoraa qeybta head ka html ka waxaana laga wacaa qeybta body.  Lobo nooc oo function ah baa jira, kuwaas oo ah parameterized function iyo none-parameterized function.  Parameterized function ku erayo lagu magacaabo arguments loogudbiyey oo laraacsiiyaa marka laqeexayo meesha none-parameterized function uu san qaadan waxba.
Qaabka loo qoro none-parameterized function waa saan:
function magacaFunctionKa()
(
  java script statement
)
Qaabka looqoro parameterized function waa saan:
function magacaFunctionKa(argument1, argument2, wlm)
(
  code javascript tiga.
)
Function waa inuu soo celiyaa natiijada wuxuu qabtay.  Tusaale ahaan, function ka soo socda wuxuu qeexin labo nambar wuxuuna soo celin isku dhufad kooda.  Hadaba eeg.
function iskudhufo()
(
  x=2;
  y=3;
  z=x*y;
  return z;
)

Markaad wacdid ayuu function ku shaqeeyaa oo sooceliyaa natiijada.  Waxaa mihiim ah sadex waxyaalood markaad function wacaysid

  • magaca function ka

  • Tirada iyo waxay yihiin argument tiga aad u gudbisay function ka haday jiraan

  • Wuxuu soo celinayo; tusaaale ahaan haduu soo celinayo namber, erray, ama wax kale

Functions ka waxaa laga wacaa qeybta body ga ee html document tiga iyagoo kudhexjira javascript code.
Saan oo kale ayaad u wicin none-parameterized function:
magacaFunctionKa()
Saan oo kale ayaad u wicin parameterized function:
magacaFunctionKa(argument, argument,etc).

Tusaale dhan oo none-parameterized function ahna waakan:
<html>
<head>
<script language="javascript">
function calculate()
{
    var X = 5;
    var Y = 4;
    var Z= X*Y;
    var xval="X waa: ";
    var yval=" Y waa: ";
    document.write(""+xval+""+""+X+""+","+""+yval+""+""+Y+""+","+" X*Y waxay lamid tahay "+""+Z+"");
}
</script>
</head>
<body>
<script language="javascript">
    calculate();
</script>
</body>
</html>
Qoraalka kudhex jira "" waa qoraalka suu yahay usoo baxa.  Variable ka nambarka ah kaliya baad xisaabin kartaa oo isku dhufan kartaa ama kala jari kartaa.  Document.write waxay ka koobantahay object tiga 'document'iyo method ka 'write'.  Document waxay lamid tahay boga, document.write waxaa laga wadaa kuqor bogan.
Natiijada tusaalaha sare waxay noqon saan:
X waa: 5, Y waa: 4, X*Y waxay lamid tahay 20

Tusaalahana waa parameterized function:
<html>
<head>
<script language="javascript">
function magacyada(magaca,magacaLabaad)
{
    document.write (magaca);
    document.write(magacaLabaad);
    document.write("<br>");
}
</script>
</head>
<body>
<script language="javascript">
    magacyada("Cilmi"," B.");
    magacyada("Warsame"," Dool");
    magacyada("H."," Faaruuq");
</script>
</body>
</html>
Markii argument loo gudbiyo function ka, waa in sidoo kale wixii loogu talagalay [value] loo gudbiyaa markii lawacayo function ka.  Function kani wuxuu qoraa wixii loo gudbiyo, waxaana u gudbinay labo magac kadib na qornay inagoo isticmaaleyna document.write.  Hadaad adoo wax sax ah u gudbin wacdid wuxuu soo celin "undefined".
Waatan natiijada tusaalaha sare:
Cilmi, B.
Warsame, Dool
H. Faaruuq

Tusaalahani waa parameterized function soo celin nambar:
<html>
<head>
<script language="javascript">
function xisaabiQiimaha(tiradaBucsharada, qiimahaBucsharada)
{
    var qiimaha=tiradaBucsharada*qiimahaBucsharada;
    return qiimaha;
}
</script>
</head>
<body>
<script language="javascript">
    var qiimahan=xisaabiQiimaha(4,5.99);
    document.write("Qiimaha bucsharada: "+qiimahan);
</script>
</body>
</html>
Waxaan u gudbinay labo erray oo ah qiimaha iyo tirada.  Qiimaha waxay lamid tahay wixii kasoobaxa marka tirada bucsharada lugu dufto qiimaha bucsharada.  Waxaan soo celinay qiimaha.
Waxaan misana qeexnay variable ka Qiimahan oo aan wixii function ku soo celiyay kala mid dhignay.   Waxaan qornay variable ka qiimahan oo lamid ah wixii function soo celiyey.
Natiijaduna waatan:
Qiimaha bucsharada: 23.96

Variables & Arrays If Statement
PC System Tools
SpyCleaner
Registry Mechanic
4Diskclean Pro
Health PC Club
TweakNow
Registry Washer
SpyAnyWhere
System Lifeguard
...More/Details

PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware