Amazon.com: PC Books || Educational Software || Magazines
Amazon: Books-CA || Software-CA || Books-UK || Software-UK

HTML | Javascript | ASP | PHP | VBScript | SQL | Hardware | PC FAQ| WinXP|

Learn to Build, Upgrade, or Repair your Computer Ebook + PC Safety 101 kwwebservice.com Reasonably priced web development & hosting
HTML-Assaas
Hordhac
Bog iskuxir
Sawir soosaar
Tables
Liiska taxan
Sharax
Diwaan
Faraym
JavaScript-Assaas
Hordhac
Variables & Arrays
Xubin
If statement
Case Statement
Celcelis-loops
Wadeyaasha
Diiwaan sax
Kadiye-Alert
Xubnaha Taariikhda
Daaqadaha

  :: Home
PC Topics
  :: Components
  :: Windows XP
  :: PC Help
Programming Tutorials
  :: HTML Ka
  :: JavaScript Ga
  :: ASP
  :: PHP
  :: VBScript
  :: SQL
Miscellaneous
  :: Contact us
  ::

JavaScript If statment

Waxaad awood u leedahay inaad samaysid go aan u dhexeeya dhowr waxyaalood ama aad tijaabin kartaa [test] nooca variable ka.   if waxaa laga wadaa hadii marka waxaad sameyn kartaa go aan u qalma wixii isticmaaluhu [user] rabo.  Tusaale ahaan, waxaad tijaabin kartaa inay Boolean variable ay tahay sax [true] iyo khalad [false], inay variable ku ka koobantahay nambar ama xarfo, inay variable ku marantahay iyo wixii lamid ah.  Isticmaalka if statement wuxuu kalifaa inuu kombuyuutarku go aan gaaro uu noqdo shay caqli leh.


Dhismaha [syntax] if statement tiguna waa saan:
if (arin)
{
 Waxan qabo
}
Tani waa hal if statement oo kajawaabeysa hal go aan, wixii kujira {} ayuu sameeyaa hadii arintu sax tahay..
if (arin)
{
 Waxan qabo
}
else
{
 Waxan qabo
}
- Hada waxaan sameynay labo arimood oo hadii mida hore sax tahay uu sameynayo kombuyuutarku adii kalena [else] uu sameynayo arinta labaad.  Waa inaad isticmaashaa parenthesis () ku xeersan arinta la tijaabinayo.

Hadaba waakan tusaale if statement ah:
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var n=0
if (n==0)
{
  alert("n waa eber")
}
else
{
  alert("n ma aha eber")
}
</script>
</body>
</html>
Tusaalahan, waxaan qeexnay variable n oo ah eber.  Markaas waxaan tijaabinay inay eber tahay.  Hadii ay eber tahay waxaan soo saaray n waa eber hadeyan ahayna waxaan soosaarayn ma aha eber
Waxaan ognahay inay n tahay eber oo arinta hore sax tahay.  Ogeysiis == waa comparison sign isu eegta labo wax inay isku mid yihiin.
Tusaalahan waa mid isticmaalaya dhowr if statements.
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var n=prompt("Qor numbar u dhexeeya 1 ilaa 4","1")
if (n==1)
  {alert("n waa 1")}
else if(n==2)
  {alert("n waa 2")}
else if(n==3)
   {alert("n waa 3")}
else if(n==4)
  {alert("n waa 4")
}
else if(n>4)
  {alert("Waxaad qortay nambar kabadan 4, qor nambar ah 1-4")}
else if(n<1)
  {alert("Waxaad qortay nambar ka yar 1, qor nambar ah 1-4")}
else
  {alert("Waxaad qortay ma leh!")}
</script>
</body>
</html>
Tusaalahaini waa kii hore aan siibalaarinay.  Markan waxaan isticmaalay prompt box si isticmaaluhu u qoro nambar.  Waxaan tijaabinay inuu nambarka laqoray yahay 1, 2, 3, ama 4 inagoo soosaareyna jawaab message box ku qoran.  Haduusan ahayn nambaradan, waxaan tijaabinay inuu ka badan yahay 4 inagoo isticmaaleyna > operator.  Haduu wali khalad yahay, waxaan isticmaalay < operator si aan u tijaabino inuu kayar yahay 1.  Hadii tijaabooyinkaas wada khalad noqdaan, else ayaa sax noqon oo soo saarin message keeda. 
Guji button ka si aad u aragtid natiijada:

Boolean Operators

Boolean waa nooc variable ah oo qaadata sax ama khalad.  Wadayaasha Boolean ka ama Boolean operators waa operatoro loo isticmaalo boolean kan.   Operator ka, && , wuxuu isku daraa labo arimood waxaana khasab ah inay laba arimood ba sax yihiin si uu sax u soo celiyo.  Operator ka , ||, wuxuu isku daraa labo arimood hadii mid saxa yahay ama labaduba sax yihiin, sax buu soo celiyaa. Boolean operator ka sadexaad waa, !, oo kadhiga arin sax ahayd khalad.

Kasoo qaad waxaad rabtaa inaad tijaabisid nambarada 1 ilaa 9, 10 ilaa 19, 20 ilaa 29, 30 ilaa 39, iyo sidoo kale.  Hadaad tiraahdid nambarkasta gaarbaan u tijaabin waxay qaadan mudo dheer iyo bogag badan oo kood ah, marka waxaad isticmaali kartaa boolean operatoro adoo koox koox utijaabinaya.

Waana kanaa tusaalihii hore oo lasii dheereeyey iyadoo la isticmaalay boolean operator:
<html>
<body>
<script type="text/javascript">
var n=prompt("Qor nambar","1")
var enter="Waxaad qortay # u dhexeeya"
if (n>=1 && n<10)
  {alert(enter+" 0 iyo 10")}
else if(n>=10 && n<20)
  {alert(enter+" 9 iyo 20")}
else if(n>=20 && n<30)
  {alert(enter+" 19 iyo 30")}
else if(n>=30 && n<40)
  {alert(enter+" 29 iyo 40")}
else if(n>=40 && n<=100)
  {alert(enter+" 39 iyo 100")}
else if(n<1 || n>100)
  {alert("Waxaad qoray # kayar 1 ama kabadan")}
else
  {alert("Waxaad qortay ma leh!")}
</script>
</body>
</html>
Maadaaba message ka hore isku mid yahay, waxaan qeexnay variable qabata message ka hore si aan code ka uyareyno.  Waxaan isticmaalay if statement iyo boolean operators si aan koox koox ugu tijaabino nambarada.   Tusaale ahaan: if (n>=1 && n<10), si arintani sax u soo celiso, waa inuu nambar ku ahaadaa 1,2,3,4,5,6,7 , 8 ama 9.  Hadii nambar ku yahay 10, arintu waa khalad maxaayeelay n<10 waxaa laga wadaa n waa kayar tahay 10.  Hadii nambarku yahay 1, arintu waa sax maxaa yeelay n>=1, waxaa laga wadaa n hal waa kabadan tahay ama waa lamidtahay.
Operator ka || wuxuu soo celiyaa sax hadii labada arimood mid sax yahay ama labaduba sax yihiin.   Tusaale ahaan: if(n<1 || n>100), hadii n kayartahay 1 ama kabadan tahay 100, arintu waa sax.  Kood ka intiisa kale wuxuu lamid yahay kii hore.
Guji button kan si aad uragtid natiijada:
Functions Case Statement
PC System Tools
SpyCleaner
Registry Mechanic
4Diskclean Pro
Health PC Club
TweakNow
Registry Washer
SpyAnyWhere
System Lifeguard
...More/Details

PC Articles
  Computer Safety
prevent viruses & Spyware