Loops Waa usheege ama hab fara kombuyuutarku inuu u soo celceliyo unug in xad go-an ama ama laga gaaro unugtii faraysay inuu joojiyo celcelinta. Tusaala ahaan hadaad rabtid inuu kombuyuutarko tiriyo tiro boqol ah waxaad isticmaali kartaa loop tirinaya tirada ilaa laga gaaro boqol. Waxaa inta badan la isticmaalaa variable loo yaqaan counter variable taas oo hoos udhigta tirida marwalba uu loop ku sameeyo halwareegto. Waxaad isticmaalikartaa labada nooc oo ah For..Loop iyo Do..Loop. Labaduba isku si bay ushaqeeyaan iyadoo midba wax ku haboon yahay for..loop na uu ka caansanyahay kuwa kale. Do..Loop ka ayaa isna kala baxa adoo kadhigi kara mid meeshuu kaga baxo loop ka og [posttest] iyo midaan ogay ee korkasoo bilaaba ilaa uu kagaaro meeshii uu kaga bixilahaa [pretest].
Sida loosameeyo ama dhismaha [syntax] for..loop ka waasan:
for(i=0;i<tiro; i++)
{ qoraalka javascript tiga }
Dhismahaan wuxuu dhisay variable kabilaabata 0 oo soconaysa illaa i hal kayartahay tiro marwalbana hal kudaraysa.
i -- waa variable 0 kabilaabata. tiro -- waa variable kale oo noqonkarta nambar kaad rabtid inay tiradu gaarto iyadoo suconaysa illaa i kayartahay tiro hal nambar.
i++ -- waxaa laga wadaa wareegto kasta hal kudar
Tusaalaha soo socda waa tusaale For..loop ah oo dhameystiran:
<html>
<body> <script type="text/javascript">
for (i = 0; i <= 4; i++)
{ alert("i hada waa" + i)
} </script> </body> </html>
Tusaalahani wuxuu usoo saaraa iyadoo alert box ku qoran saan: 0,1,2,3,4.
i waxay kabilaabataa 0 iyadoo soconaysa illaa laga gaaro
4 maxaa yeelay waxaan niri wad tirada ilaa intay afar kayartahay ama lamid tahay <=4
Tirada loop ka marwalba hal ayaa ku kordhaya uu loop ku wareego.
Natiijada tusaalahana waa saan, guji botonka:
While..Loop
While..Loop wuxuu usheegaa kombuyuutarka inuu soo celceliyo wareegtada tirada ilaa laga gaaro meeshuu kaga bixi lahaa tirada [exit point], meesha for..loop ku soo celceliyo tirada ilaa counter variable ku uu san gaarin wixii lugu xiray.
Hadaba waakanaa dhismaha While..loop ka:
while(variable=tiro)
{ qoraaka javascript code ka }
Dhismaha sare wuxuu tijaabiyaa tiro, wadaana inuu soo celceliyo waxa qoraalku usheegayo ilaa laga gaaro ama run kanoqoto tiradu. Intayan run ahay wuu wadaa celcelinta. Waakanaa tusaale ku saabsan while..loop:
<html> <body>
<script type="text/javascript">
var x=5*5; x=prompt("Waa maxay 5 x 5?");
while (x != 25) { alert("Khalad");
x=prompt("Waa maxay 5 x 5?",0); }
alert("Sax! " + x) </script>
</body> </html>
Tusaalahini wuxuu qeexaa variable ka x oo lagadhigay 25 [x=25]. Waxaan x kala mid dhignay wixii lugu qoro
prompt box ka. Prompt box kaas oo weydiinaya qofka wixii kasoo baxa shan lugu dhuftay shan isla markaasna tijaabinaya soona celcelinaya su-aasha ilaa ay run kanoqoto uu qofku qora 25.
Si aad u aragtid natiijadu say noqon karto guji halkan:
Tusaalaha soo socda wuxuu lamid yahay kaan soo dhaafnay, laakiin kaga duwan yahay
inuu tijaabiyo arinta halmar kabacdina soo celceliyaa inta dhamaadka laga gaarayo. Waxaa khasab ah inuu halmar tijaabiyo xataa hadaan wax sax ah jirin.
Waakan tusaalaha kore oo isticmaalaya Do..While:
<html> <body>
<script type="text/javascript">
var x = 5*5; do {
x=prompt("Waa maxay 5 x 5?",0); } while (x != 25)
document.write("Jawaab saxda ah waa " + x)
</script> </body> </html>
Saan horay ugu sheegnayba, do..while iyo while waa isku shaqo, midna kor buu kasoo bilaabaa ilaa runta lagaaro isagoo qiyaasaya been, midna run buu tijaabiyaa isagoo arinta lugu xiray bes eegaya.