Variables waa qabato qabta wixii fall ah oo lagu qoro adigoo awood uleh
inaad badashid markaad rabtid. Tusaale ahaan waxaa dhici karta inaad qof
magacii ku dheehdid arrey markaad rabtid inaad magacaas qortidna aad isticmaali
kartid qabatadaas oo iyadu meel kombuutatka memerigiisa kamid ku keydisay
magacaas. Habka javascript qabatadiisa [variable] looqeexo waa saan: var magac="Warsame Samatar". Ereyadu variable ku siday yihiin
inaad u qortid iyo inuu eraygu kabilowdo xaraf ama underscore _ waa lagama maarmaan.
Sida loo qeexo [declaration] javascript variable waa saan:
var magac;. Waxaan qeexnay variable ka magac. Var oo ah variant lasoo gaabiyey waa
qeexaha ama astaanta qeexda variable ka.
Saan oo kale ayaana variable kaan qeexnay ee magac loogu lifaaqaa magaca:
magac="G. Warsame";. Waxaan ku lifaaqnay G. Warsame variable ka magac.
Inaad kala qaadid qeexida [declaration] iyo lifaaqa [assignment] ma aha oo saan
ayaad sameynkartaa:
var magac = "G. Warsame";
Arrays
Array waa qabato qaban karta hal eray, magac, ama number
kabadan meesha variable ay hal eray kaqabato. Hadii lasoo gaabiyo array waa
jamac variable ah.
Array waxaa loo baahdaa markaad rabtid inaad qabatid erayo ama nambaro isku jamac ah
oo isla xiriira. Kasoo qaad waxaad rabtaa inaad qeexdid koox gawaari ah sida soo socotoo kale:
var qaari1="Camry";
qaari2="Corolla"; qaari3="Accord";
gaari4="Civic";
gaari5="Maxima";
Tiradu waa sii socon kartaa intey doonto. Intaad mid walba gaar u qeexi laheyd
waxaad sameyn kartaa saan
var Gawaari=new Array()
car[0]="Camry"; car[1]="Corolla"; car[2]="Accord"; car[3]="Civic"; car[4]
="Maxima";
Array waxay isticmaashaa element oo ah erray walba oo katirsan array ga iyo
list index oo ah nambarka errayga. Kan ugu horeeya waa 0.
Marka variable ka gaari waxay ka kooban tahay
gawaari oo indexed 0 ilaa 4 ah. Waxaan ugudbi karnaa ama isticmaali karnaa
errayada taxan inagoo adeegsaneyna index ka waxaana istimaali karnaa intaan rabno ama
kuligood halmar.
Kuligood hadaad rabtid waxaa ugu fudud oo adeegsan kartaa for loop. saan oo
kale
var x=0; for(x=0;x<4;x++);
{ gawaari[x]; document.write(gawaari[x]); }
Waxaan qeexnay [declare] variable x oo kabilownay 0. Mihiim ma aha inaad kubilowdid [initialize] variable ka 0 waayo midwalba oo namber ah oo laqeexo waa 0 laakiin luuqado kale ayaan saas aheyn. Kadib waxaan sameynay celceliye ama loop for(x=0;x<4;x++). Loop kani wuxuu tirin ilaa afar tiro oo ku noqnoqon ilaa uu ka dhameeyo. Document.write waxay qortaa wixii loo gudbiyo, kolkan waxay qorin gawaarida.
Kuqor code kan notepad, textpad, ama program yada lamid ka ah.
U keydi "fileName.html"
Fur internet browser ka
Aad file, open, browse
Xulo fileName.html aad keydisay
guji open
Natiijaduna waxay u ekaan saan:
Camry
Corolla Accord Civic Maxima
Waxaan kuqori karnaa gawaarida sare daaqad yar [message box], ama bog cusub, iyo wixii lamid ah, kaas oo soo baxa markii button lagujiyo. Waxaad u baahan tahay inaad fahantid sida function u shaqeeyo [arag casharka functions] Saan ayaan u badalin xirmada ama kood ka sare:
gawaari[x] ku badal alert(gawaari[x]}
kuqor kood ka sare qaybta head adoo function dhex galin, qaybta body gana kuqor kood kan
<input type="button" value="Display the car inventory" name "me" onclick="listOfCars();">
Natiijadu waxay noqon saan, guji: